SAFICT Waxay Qabanqaabisay barnaamijka SPARK oo Gundhig u ahaa fahamka Sohdinta Dhijitaalka Soomaaliya.
Muqdisho, Soomaaliya – Ogoosto 17, 2023 — Ururka Xogta Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyada Soomaaliyeed (SAFICT) wuxuu faraxsan yahay inu martigaliyay barnaamijka SPARK 16-kii Agoosto 2023, iyadoo boqolaal xirfadlayaal ICT ah, xiiseeyayaal, iyo hoggaamiyeyaasha saaxadda ICT-da ay isugu yimaadeen Hoolka Maqaayadda Safari. Halku-dhegga barnaamijka wuxuu ahaa “Sohdinta Dhijitaalka Soomaaliya”, waxa ay munaasibaddu aheyd goob lagu falaqeeyay doodaha cusub teknolojiyada, isku xidhka, iyo qeexidda Sohdinta Dhijitaalka Dalka..
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad aad u badan oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee gobolka Banaadir, oo kusoo talagalay iney waxbadan ka ogaadaan doorka ICT-da ee qaabeynta mustaqbalka Soomaaliya. Ka qaybgalayaasha waxaa barnaamijka loogu diyaariyay qeybo kala duwan oo u dhexeeyay Mowduucyo ay khabiirro ka hadleen, giiraan (Panel Discussion) iyo isbarasho iyo isdhexgal kasoo qeyb galayaasha ah.
“SPARK waxay ahayd wax ka badan dhacdo oo kaliya, waxay markhaati u ahayd kartida iyo xamaasadda bulshada Soomaaliyeed ay u lee yihiin teknolojiyadda. Heerka uu hadda dalku taagan yahay waa heerkii kacaanka dhijitaalka ah, barnaamijyadaan oo kale waxay door muhiim ah ka ciyaaraan isu keenida daneeyayaasha si ay si wadajir ah u horumariyaan saaxadda dhijitaalka ee dalkeena,” Waxaa yiri Ibrahim Noor oo ah Mareeyaha Guud ee SAFICT.
Mowduucyada ugu muhiimsanaa ee barnaamijka SPARK lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa khudbad looga hadlaayay “Awoodda tignoolajiyada ay leedahay ee kobcin karta dhaqaalaha Soomaaliya”. Mowduucaas waxa uu ahaa mid ay dad badan dhageysteen, iyaga oo fahmay fursadaha baaxadda leh ee sugaya dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xeel dheer farsamada iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin horumarka dhaqaalaha dalka.
Dhowr hoggaamiye oo saaxadda magac sare kuleh iyo daneeyayaasha ayaa kasoo qeyb galay munaasabadda SPARK, iyagoo sii xoojiyay muhiimadda ay leedahay in la fahmo Sohdinta Dhijitaalka Soomaaliya. Hogaamiyayaashani waxay barnaamijka ka dhiibteen aragtiyo aad u qiimo badan, waayo-aragnimo, waxayna iftiimiyeen dariiqa loo mari karo mustaqbalka ICT-da Soomaaliya.
Baraamijka ayaa lagu soo gabagabeeyey ballan-qaad ay SAFICT iyo dhammaan ka soo qayb-galayaashii barnaamijka ay ku cadeeyeen iney diyaar u yihiin sidii looga qeyb qaadan lahaa isbeddelka dhijitaalka ee kacurtay Soomaaliya, si loo xaqiijiyo in dalku uu unoqdo mid safka hore uga jira horumarka tignoolajiyada ee gobolka.
SAFICT waxay u mahadcelinaysaa dhammaan ka qaybgalayaasha, soojeediyayaasha, taabageliyaasha, oo ay ku ugu horeyso Bangiga IBS oo nasiiyay tageero mug leh, sidoo kale Shirkaddaha kala ah; Bile Media, Madbacadda Midabsan, Shirkadda Carfisada ee Mise, Shirkadda Shaashadaha ee AleeloPixels, iyo qof kasta iyo hay’ad kasta oo gacan ka gaysatay in barnaamijka SPARK laga gaaro guul la taaban karo
Si aad u hesho guudmarka barnaamijka SPARK, sawirada, ama faallooyinka, fadlan booqo https://www.safict.org.so/sohdinta-dhijitaalka-soomaaliya
Ku saabsan SAFICT
Ururka Somali Association for Information Communication Technology (SAFICT) waa hay’adda ugu sareysa ee matalaysa saaxadda ICT-da Soomaaliya. Iyada oo hadafkeedu yahay in ay kor u qaado horumarinta tignoolajiyada, fududaynta iskaashiga saaxadda, iyo kobcinta dhaqaalaha la xiriira teknolojiyada, SAFICT waxaa ka go’an qaabaynta mustaqbalka dhijitaalka ah ee Soomaaliya.
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Cabdullaahi Cabdulqaadir
abdullahi@safict.org.so
+252616475166

