Sanad walba, 12-ka Agoosto, ayaa waxa caalamka ay isugu yimaadaan xuska maalinta caalamiga ah ee dhalinyarada, oo ah maalin loo asteeyay in la aqoonsado doorka muhiimka ah ee ay dhalinyaradu ka ciyaaraan qaabeynta bulshada caalamka. Soomaaliya oo ah dal ay ku nool yihiin dhalinyaro firfircoon oo hamuun u qaba, muhiimadda ay maalintaan leedahay waa mid aad u muuqda, gaar ahaan marka la eego indhaha Xogta Isgaarsiinta Tignoolajiyada (ICT).
Dhallinyarada Soomaaliyeed ma aha oo kaliya mustaqbalka; waa kuwa horseeda horumarka ummadda. Marka aan u dabaaldegeyno Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada, waxaa muhiim ah in la muujiyo kartida wax-ka-beddelka ee ICT, xoojinta maskaxda dhallinyarada iyo kicinta isbeddelka togan ee ay ku yeelan karaan qaybaha kala duwan ee bulshada.
Awooda ICT ee dhalinyarada Soomaaliyeed
ICT waxay leedahay awood aan la soo koobi karin oo ay isugu keeni karto bulshada qeybaheeda kala duwan, ifiso hal-abuurnimada, iyo iney furto fursado cusub. Dhallinyarada Soomaaliyeed, waxay siineysaa albaab ay ka galaan waxbarashada, kobcinta xirfadaha, hal-abuurka ganacsiga, iyo isku xirka caalamiga ah. Bulshadeena waxey ahaayeen umad la nool caqabadaha soo jireenka, caqabadaahasna waxey ka hor istaagnaayeen lajaan qaadidda tiknoolojiyadda caalamka, ICT waxa ay dimuqraadiyaysaa macluumaadka, taas oo ka dhigaysa aqoonta mid loo wada siman yahay oo ay bulshada oo dhan ay heli karaan.
Waxbarashada iyo Kobcinta Xirfadda
Iyada oo loo marayo goobaha waxbarashada dhijitaalka ah, webinaarro, dhalinyarada Soomaaliyeed waxay heli karaan aqoon badan, iyada oo aan loo eegin goobta ay ku sugan yihiin. Tani waxay awood u siinaysaa inay isku horumariyaan xirfadaha muhiimka ah, ka qayb qaadashada waxbarasho iskood ah, oo ay sahamiyaan xirfadaha kala duwan sida programming iyo horumarinta softweerada ilaa falanqaynta xogta iyo suuqgeynta dhijitaalka ah.
Ganacsiga iyo hal-abuurka
ICT-du waxay saaxadda ganacsiga kadhigtaa mid loo wada siman yahay oo ufuran qof kasta oo hammi ganacsi leh, ICT-du waxey siinaysaa goobo ay ku soo bandhigaan hal-abuurkooda, helaan fursadaha maalgelinta, oo ay kula xidhiidhaan hagayaasha iyo maalgashadayaasha. Tani waxay ku dhiirigelinaysaa dhalinyarada inay ka faa’iidaystaan hal-abuurkooda oo ay ka qaybqaataan kobaca dhaqaalaha iyada oo loo marayo ganacsiyada bilowga tignoolajiyada ay hogaaminayso (StartUps).
Dhismaha Shabakadaha Caalamiga ah
Maalinta caalamiga ah ee dhalinyaradu waxay ina xasuusinaysaa in dhalinyaradu aanay ku xidhnayn xuduud; waxay ka mid yihiin bulsho weynta caalamka. ICT waxa ay u ogolaataa dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ku xidhmaan asxaabtooda, khubarada, iyo ururada aduunka oo dhan, iyada oo kobcinaysa wada shaqaynta dhaqamada kala duwan, is dhaafsiga aqoonta, iyo dhalashada caalamiga ah. (Global Citizenship)
Ahmiyadda Soomaaliya ay u leedahay
Dalalka kasoo kabanaya burburka sida Soomaaliya oo dadka ugu badan ay yihiin dhallinyaro, maalinta caalamiga ah ee dhalinyarada ayaa ku fadhida ahmiyad aad u weyn. Ka faa’iidaysiga awoodda ICT-da, waxaan awood u siin karnaa dhallinyaradeena inay noqdaan wakiillo isbeddel togan leh. Fikradahooda hal-abuurka horumariyo, awooddooda tignoolajiyada, iyo aragtidooda cusub waxay dhaqaajin karaan horumarka dhaqan-dhaqaale, waxey sidoo kale wanaajin karaan dawladnimada, iyo horumarinta nabadda.
Anagoo u dabaaldegayna maalinta caalamiga ah ee dhalinyarada, aan aqoonsano doorka ICT ee kobcinta kartida, hamiga, iyo riyada dhalinyarada Soomaaliyeed. Inaga oo maalgalinaya waxbarashadooda dhijitaalka ah, siineyna goobo lagu horumarinayo xirfada, iyo kobcinta jawi hal abuurnimo, waxaan Soomaaliya u kicin karnaa mustaqbal ifaya oo tignoolajiyad ahaan awood leh.
Haddaan nahay Ururka Xogta, Isgaartiinta iyo Tiknoolojiyadda Soomaaliyeed (SAFICT), waxaan sii wadi doonnaa inaan sii horumarinta rabitaanka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo ka faa’iidaysiga ICT-da si ay riyadooda ugu beddelaan mid dhab ah.
Si wada jir ah, aan uga faa’iidaysanno awoodda tignoolajiyada si aan u furno tamar buuxda oo dhallinyaradeena ay ka faa’ideysan karaan, una dhisno qaran horumarsan.

