Tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday adkaynta aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed iyo dib-u-soo-celinta aqoosi lajaanqaadi karo caalamaka, dawladda Soomaaliya waxay ku xustay maalinta 16-ka Sebtember, 2023-ka oo ku aaddan maalinta loo asteeyay maalinta aqoonsiga caalamiga ah iney qabato munaasabadda ay ku daahfureysa aqoonsiga qaranka oo ay tilmaamtay iney munaasabaddaan oo kale ay dhici doonno sanad kasta.
Waxey aheyd dhacdo qiimaha badan oo taariikhi ah tan iyo burburkii haykalkii dawladnimo ee 1991-kii, waa dhacdo muujinaysa waa cusub oo midnimo, aqoonsi iyo horumar ummadeed u horseedi kara bulshada Soomaaliyeed.
Ka SAFICT ahaan, anagoo ah hormuudka horumarka teknoolojiyadda Soomaaliya, waxaa farxad iyo sharaf noo aheyd inaan goobjoog ka ahaano waqtigan curdanka ah, oo aan astaan u ahayn soo noolaynta aqoonsiga qaranka oo keliya balse sidoo kale cadeyn u ah horumarka laga gaari karo saaxadda teknolojiyadda dalka.
Guul Iskaashi
Mashruucan oo ay hirgelisay hay’adda aqoonsiga iyo diwaan-gelinta qaranka ee NIRA oo hoostagta Wasaaradda Arrimaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, ayaa ka tarjumaya mashruuc wada shaqayn. Hindisahaan waxaa taageero maaliyadeed ka geystay dawladda Pakistan, Baanka Adduunka, iyo Hay’adda UNDP, sidoo kale waxaa taageero farsamo oo qiimo leh oo laga helay Hay’adda Xog-ururinta iyo Diiwaangelinta Qaranka Pakistan (NADRA).
Munaasabadan oo uu goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhammaan marxaladihi kala duwanaa ee laga soo maray guusha maanta lagu soo bandhigay teendaha Afisyooni ee Xalane iyo tillaabooyinka bud-dhigga u ahaa horumarinta aqoonsiga qaranka oo ay xaqiijisay hay’adda NIRA, waxaa sidoo kale lagu gudoonsiiyay Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre aqoonsigii ugu horeeyay ee lagu daabacay madaba.
Isku-hagidda Diirada: Isbedelka Dijitalka ah iyo Amniga Internetka (Cyber Security)
Iyada oo la eegayo horumarkaan, SAFICT waxa ay aqoonsan tahay in la jaan-qaadista hindisahan uu laxiriiro laba kamid ah waxyaabaha ay SAFICT Diiradda saarto oo kala ah Digital Transformation & Cyber Security.
Isbedelka Dijitaalka ah (Digital Transformation): Barnaamijka Aqoonsiga Qaranku waxa uu tilmaamayaa horumarka la taaban karo ee laga gaaray socdaalka loogu jiro sidii lagu gaari lahaa isbeddel dhijitaal oo dhab ah oo kahanaqaado Soomaaliya. SAFICT waxay diyaar u tahay inay hay’adda NIRA kala shaqeyso sidii ay u wanaajin lahayd wajiyada kala duwan dhijitaalka ah ee hindisahan, anagoo gacan ka geysan karno horumarinta tiirarka dhijitaalka ah si ay muwaadiniintu uga faa’iidaystaan aqoonsiga qaranka una helaan adeeg hufan, ammaan ah oo aan kala go’ laheyn
Amniga internetka (Cyber Security): Muhiimada ay leedahay in xogta aqoonsiga qaranka laga ilaaliyo khataraha internetka ma ahan mid lasoo koobi karo. SAFICT waxay diyaar u tahay iney bixiso khibradeeda ku aaddan amniga internetka sida Information Security Management System ISO 27001:2022 si loo hubiyo in nidaamka aqoonsiga qaranka lagu maamulo uu yahay mid lajaan qaadi karo halbeegyada caalamiga ah ee loogu talo galay in lagu sugo amniga xogta.
Ka SAFICT ahaan, waxaanu aaminsanahay in hindisahaan uu noqon karo jaranjaradi lagu dhisi lahaa saaxada teknolojiyadda qaranka. Waxaan aad u xiisayneynaa inaan khibradeena soo saarno miiska si aan ehel ugu noqono horumarka teknolojiyada oo ay hormuudka u tahay Hay’adda NIRA marka laga eego dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
SAFICT ahaan, waxaan gacanteena u fidineynaa sida aan isaga kaashan laheyn xaqiijinta himilooyinka laga leeyahay aqoonsiga qaranka oo ay hay’adda daahfurtay.
SAFICT Â Waxey u taagan tahay kobcinta horumarka Tekgnoolajiyada ee Soomaaliya.


